Khasaaraha Ka Dhashay Diyaarad Ay Leedahay Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines Oo Burburtay.

Diyaarad rakaab oo Ay Leedahay shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines nooceeduna yahay Boeing 737 ayaa burburtay iyada oo ku guda jirta safar ay ugu duulaysay dhinaca iyo waddanka Kenya.

 

Afhayeen u hadlay Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa sheegay in maanta oo Axad ah ay burburtay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 oo ay shirkaddoodu leedahay wakhti ay ku guda jirtay safar ay ku tagaysay waddanka Kenya waxaana gabi ahaanba ku geeriyooday rakaabkii saarnaa oo dhan 149 qof oo rakaab ah iyo 8 qof oo ahaa shaqaalihii diyaaradda.

 

Warbixintan ay intaasi ku daraysaa in dhammaanba dadkii rakaabka ahaa ku dhinteen diyaaraddaasina burburtay wakhtiga geeska Afrika markii ay saacaddu ahayd 8: 44 daqiiqdo ee subaxnimo wakhtiga geeska Afrika.

 

Diyaaraddan ayaa la sheegay in ay ku socotay caasimadda waddanka Kenya ee Nairobi.

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: