Kenya oo shaacisay xog cusub oo kusoo korodhay haweeney bil kahor la afduubtay

Dowladda ayaa shaacisay xogo dheeraad ah oo la xiriira halka ay ku dambeysay haweeneydii Al Shabaab looga shakisan yahay inay ka afduubatay gudaha dalkaasi.

Haweeneyda u dhalatay dalka Talyaaniga ayaa bil ka hor laga Afduubtay gobolka Lamu ee dalka Kenya, waxaana la shaaciyay in iminka lagu hayo gudaha dalka Kenya, sida warbixin cusub oo la shaaciyay lagu sheegay.

Saraakiisha ciidamada amaanka ayaa sheegay inay heleen macluumaad macquul  ah oo la xiriira in haweeneyda ay nooshahay wali, islamarkaana lagu hayo gudaha dalka Kenya.

Waxaa muuqata inay been noqoneysa wararka marka hore saraakiisha amaanka ay soo saareen oo ahaa in haweeneyda lala aaday Gaarisa kadibna la geeyay gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa afduubta haweeneydaan u xirtay 100 ruux, waxaana shan kamid ah laga helay macluumaad dheeri ah oo la xiriira in haweeneyda nooshahay walina lagu hayo gudaha dalka kenya.

Dadka loo xiray haweeneydaan afduubkeeda ayaa waxaa kamid ah Soomaali, waxaana la sheegay inay baaritaano amaan ku socdaan.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: