Jose Mourinho oo laga qaaday shaqadii tababaraha Manchester United

Manchester(Somalilandmirror.com )-Kooxda Manchester United  ayaa shaqada ka eryay tababarihii kooxdaasi Jose Mourinho, kadib labo sano iyo badh oo uu tababare u ahaa kooxdaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay kooxda ayaa lagu sheegay ”Kooxdu waxaa ay u mahadcelineysaa tababare Jose Mourinho, waxayna u rajeneysaa mustaqbal wanaagsan”.

United ayaa sidoo kale sheegtay in tababare kale oo kusime ah, leyliya na kooxda inta ka dhiman xili ciyaareedkanla la magacaabi doono 48 saacadood ee soo socda.

Manchester United ayaa kaalinta lixaad kaga jirta liiska kala horeynta kooxaha ee horyaalka Ingiriiska, waxaana 19 dhibcood ay ka hooseysaa kooxda Liverpool oo 3-1 uga adkaatay maalintii axadda.

Kooxda Manchester United oo xili ciyaareedkan ciyaartay  17 ciyaarood ayaa waxaa ay heshay 26 dhibcood oo keliya, waxaana mudooyinkii dambe ay la kulmaysay guuldarooyin.

Tallaabadan shaqada lagaga eryay Mourinho ayaa timid kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay isaga iyo Paul Pogba oo sababtay in Pogba aanan la soo safin ciyaartii Anfield.

Michael Carrick ayaa sii wadaya tababarada inta 48 saacadoodka soo socda lagu dhawaaqayo magaca tababaraha inta xili ciyaareedkan ka hadhay xilka sii qabanaya.

Ole Solskiar oo ahaan jiray ciyaartoy hore oo Manchester United ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo.

halka magacyo badan uu ka mid yahay Zidan iyo tabaraha Tottenham Hotspur ee reer Arjantiina Potichinyo la filayo in sanad ciyaareedka dambe noqon doonaan tababare rasmi ah.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: