Jariidada Bloomberg ee caalamiga ah oo Markii ugu horaysey Somaliland iyo Somalia, laba wadan ukala qaaday.

Jariidada Bloomberg ee kasoo Baxda dalka Maraykanka oo Markii ugu horeysey kala saartay Maabka (khariidada) Somaliland iyo Somalia.

Taas oo Somaliland ku dartay dalalaka Afrikaanka ah ee nabadda ah siyaasiyanna deggan.

Halka ay Soomaliyana ka raacisay kuwa dagaaladu ka socdaan iyo rabshadaha siyaasadeed Sannadkan 2019ka.

sanadkan cusub ee 2019 ayaa mandaqada geeska Afrika isbadalo waawayn laga filayaa inay ka dhacaan.

Xukuumada Somaliland ayaa wasiir arrima dabadeed oo cusub magacawday dhamaadkii sanadkii tagay, Wasiirka cusub ayaa la kawsaday sanadka cusub iyo isbadalada xawliga ku socda ee geeska Afrika.

Sanadka cusub ee 2019 ayaa la filayaa in dib loo bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo Somalia,  waxaa kaloo la filayaa in hiradanka China iyo Ruushka iyo Maraykanku uu saamayn ku yeesho geeska Afrika.

waddamada khaliijka iyo Turkiga ayaa yaguna aad u danaynaya mandaqada geeska Afrika.

malaga yaaba in arrimahaas oo dhan sanadka cusub ee 2019 ay  horseedi karaan in Somaliland horumar la taaban karo ka samayso qadiyadeedii ugu waynayd  ???

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: