Iran oo laba waddan oo Carbeed dusha ka saartay masuuliya tallaabo kasta oo ay Israa’iil ku khalkhal geliso xasiloonida gobolka

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa si adag u cambaaraysay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay Baxrayn la yeelatay Israa’iil, iyada oo tibaaxday in tallaabadaasi ceeb ku tahay sooyaalka taariikheed ee madaxda Baxrayn. Iran ayaa Imaaraatka iyo Baxrayn dusha ka saartay masuuliyadda tallaabo kasta oo Israa’iil ku handido xasiloonida gobolka. Xukuumadda Tahran ayaa sheegtay in Baxrayn ay ku xadgudubtay xuquuqa iyo halganka shacabka Falastiin si ay u taageerto ololaha doorashada ee Trump. Geesta kalena Iran waxa ay hoosta ka xarriiqday in Baxrayn iyo Imaaraatku ay qayb ka yihiin xadgudubyada Israa’iil ku hayso dadka reer Falastiin iyo shucuubka ku dhaqan guud ahaan gobolka. Madaxweynaha Iran ayaa isna dhankiisa sheegay in gobolka loo maleegayo shirqoollo dhagaraysan oo ay gadhwadeen ka yihiin Israa’iil iyo Maraykanka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: