Ingiriiska oo ka Soo horjeestey in Wax ka badal lagu Sameeyo Xeerka kufsiga somaliland

Dawlada ingiriiska ayaa dhaliishey wax ka badalidii xeerkii kufsiga ee golaha wakiilada Somaliland soo jeediyeen in lagu sameeyo xeerkii kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga ee la ansxiyey 2018.

Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa oo arinta faalo ka bixiyey oo uu ku qorey bartiisa twiterka aya waxa uu ku sheegay in wax-ka-beddelka la soo jeediyey in lagu sameeyo arrimaha ay ka mid yihiin guurka qasabka iyo sinadu, ay abuurayso su’aalo muhiim ah oo la iska weydiiyo xuquuqda haweenka, carruruta iyo dadka naafada ah.

Stuart Brown, wax ka beddelka ama wax ka beddeli waaga qodobbadaas waxa uu ku tilmaamay daqiiqado muhiim u ah Somaliland oo ay ku go’aaminayso mustaqbalkeeda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: