Imaaraadka Carabta Oo War Cusub Ka Soo Saaray Saldhigii Milatari Ee Ay Ka Samaysanayeen Somaliland

Hargeysa (Somalilandmirror): War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Emirateka oo la iskugu gudbiyay shabakaddaha ay diblomasiyiintu ku xidhiidhan, ayaa lagu sheegay in dawladda Emirateku ay bixisay qandaraaska lagu dhisayo saldhiga Militery ee dalka Emirateku ka dhisaayo magaaladda Berbera, oo ah xarunta ganacsi ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida qoraalka lagu sheegay qandaraaska dhismaha Saldhiga militery ee Berbera ayaa la siiyay shariikad lagu magacaabo Divers Marine Contracting LLC, oo ah shariikad saldhigeedu yahay magaaladda Dubai.

Xogta ayaa lagu sheegay in dawladda Emirateku shubtay lacag dhan 100 malyuun oo dollarka maraykanka ah, oo qandaraaskani Saldhiga military ee Berbera lagu dhisayo.

Sida xogta lagu sheegay, saldhiga ayaa lagu rakibi doona radaalo iyo qallabka lagula socdo dhaq dhaqaaqa biyaha bedda cas, waxaa sidoo kale la dhisi doona sida xogta lagu sheegay maxadad tareen ah oo isku xidhi doonta dekedda magaaladda Berbera iyo saldhigani Militery.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay dawladda Emiratku u fududayn doonto dalalka danaha ka leh biyaha bedda in diyaaradahoogu ku nastaan saldhigani, laguma sheegin qoraalka inay khidmad kiro ka qaadayso iyo inkale

Waxaa kale oo lagu sheegay in Emirateku tababar ku dhex siin doono saldhiga ilaa 15000 oo ciidamadda militeryga Somaliland ah.

Saldhiga ayaa wajigiisa 1aad la furi doona bisha August ee sannadkan, iyadoo dhismaha lagu wado inuu dhamaado ilaa Novemberkan sannadkan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: