Imaanshaha Wasiirka Caafimaadka Iyo Baahiyaha Burco.

Mudane Wasiir, waad ogayd oo cisbitaalka Burco, markii aad doorkiinii qaadan waydeen dad baa Ambulance ku deeqay! Waad ogayd oo markii Oxygen la’aan loo go’ay, waa tii dhowr xabbo oo samirsiin ah loo yaboohay! Waad og tahay, oo Burco waa caasimadda labaad ee dalka, waana magaalada 2aad ee ugu dadka badan, sidoo kale wax ay isku xidhaa, bari iyo galbeed haddana guud ahaan adeeggeeda caafimaad kalsooni buuxda laguma qabo, oo waa ta bukaankii Burco maalin walba Hargeysa loola sii ordayo;

Haddaba wasiir:

Annaga oo aaminsan in aad xukuumad ahaan dayacdeen doorkii horumarinta caafimaad ee caasimadda labaad ee dalka. Annaga oo og in aydaan soo gaadhsiin saamigii ay ku lahayd miisaaniyadda qaranku u qorsheeyay la dagaalanka Covid-19. Annaga oo og in deeqihii ganacsatadu bixisay iyo qalabkii la sheegay midna Burco soo gaadhin. Mar haddii aad maanta adigu Burco timi, wax aan ku wayddiin lahayn:

Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

1- Ma siddaa PCR kii (mashiinkii Covid19 lagu baadhayay?) Haddii aanad sidin, maxaa looga yimi, waa ka Hargeysa dhex yaallee? Ma og tahay se in jawaabta Hargeysa laga sugaa, soo daahdo oo bukaannada qaarkood iyaga oo jawaabtii sugaya, ay geeriyoodeen?

2- Dhakhaatiirtu halis bay ku jirtaa, ee ma u siddaa qalabkii difaaca ee ay cudurkaas kaga gaashaaman lahaayeen?

3- Ma siddaa mashiinkii haamaha Oxygen ta lagu dhaaminayay (Oxygen Generator Mechine)? Mise Burco, haamo madhan oo ceelkii Hargeysa laga soo dhaaminayo, ayay habeen iyo maalin sugaysaa?

Saddexdaas baahiyood oo ah kuwa ugu waawayn ee xaaladdan la gu jiro, maanta Burco ugu baahi badan tahay, haddii aannu safarkaagani midna buuxinayn, bal maxaad siddaa?




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: