Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo Ka Digay Cawaaqib Xumada Ka Dhalan Karta Haddii Mareykanku Ka Baxo Heshiiska Ay Wada Galeen.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un wuxuu sheegay inay ka go’antahay burburinta hubka Nukliyerka isla markaasna ka digay inuu dhabaha macquulka ah ka weecan doono waa haddii Mareykanka uu sii wado cunaqabataynada.
 
Kim Jong-un oo hadal ka jeedinayay munaasabadda sannadka cusub ayaa sheegay in xilli kasta uu diyaar u yahay in uu la kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
 
“Haddii Mareykanku uusan ka bixin ballamihii uu nala galay, kuna adkeysto cunaqabataynta, cadaadiisna uu saaro Jamhuuriyaddeena…waxaa naga go’an in aan eego waddooyin aan ku difaaceyno awooddeena iyo danahayaga” ayuu yiri hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.
 
Madaxweynaha Mareykanka iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa bishii June ee sannadkii 2018-kii wadahadallo ku aadan barnaamijka Nukliyerka yeeshay inkasta oo natiijada kulan kaddib ay aheyd mid aan sidaas u weyneyn.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: