Hanti Dhawrka Qaranka Oo Baadhitaan Ka Bilaabay Wasaarada Hawlaha Guud +Xafiiskii Agaasimaha Wasaaradaasi Oo La xidhay.

Hanti Dhawrka Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Mudooyinkii U Danbeeyey Daba Gal Ku Hayey Wasaaradaha Musuqa Lagu Tuhmo Ayaa  Baadhitaan Xoogan Ka Sameeyey Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guriyeynta Somaliland.

Masuuliyiinta Ka Socday Hanti Dhawrka Ayaa Mid Mid U Baadhay Xafiiskayada Wasaaradaasi,Waxaana Al-baabada Laysugu Laabay Qaybo Kamida Xafiisyada Masuuliyiinta Wasaarada Hawlaha Guud.

 

Waxaana Xafiisyada Hanti-Dhawrku Xidheen Kamida Xafiiska Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Kaas Oo Masuuliyiintu Qafilsaareen, Waxaana La Rajaynaya Inay Warbaahinta La Hadlaan Isla Markaana Ka Warbixiyaan Natiijada Ka Dhalatay Baadhitaanada Ay Ku Sameeyeen Wasaarada Hawlaha Guud.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: