Halkan ka akhriso Xogta saamiga mashruuca JPLG ee degmooyinka Somaliland.

Degmooyinka Hargeysa, Gabilay iyo Berbera ayaa helay lacagta ugu badan ee adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka ee mashruuca JPLG oo lagu horumarinyo dawladaha Hoose.

Lacagtan ayaa ka kala imanaysa golayaasha Deegaanka, Wasaaradda Waxbarashada , wasaarada caafimaadka iyo mashruuca JPLG.

Degmooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Berbera ayaa noqday saddexda degmo ee dhaqaalaha ugu badan loo qoondeeyay, iyadoo degmada Gebiley ay in ku dhow labanlaab ka badan tahay degmada Burco.

Waxbarashada Hargeysa waxa loo qoondeeyay $667,622, Berbera $532,910, Gabiley $334,142, halka Burcana looga qoondeeyay $207,700, Booramana $215,136.

Dhinaca caafimaadka Hargeysa waxa loo qoondeeyay $538,000, Berbera $528,076 Gabilay $295,000, Boorama ayaa heshay $188,800, halka Burcana loo qoondeeyay $148,800.

Agaasimayaasha guud ee waxbarashada iyo caafimaadka ayaa Hargeysa shalay ku soo xidhay shirka lagu qoondaynayay dhaqaalahan.

Ceerigaabo iyo Laascaanood marka horeba mashruucani kama shaqeeyo.

Xigasho: weriye Xasan Galaydh




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *