Haayada ARC Oo Barnaamij Wacyi Galineed Oo Ku Saabsan Baahiyaha Asaasiga Ah Ka Fulisay Degmada Gebo Gebo Ee Gobolka Togdheer.

Haayadaha ARC Oo Ka Shaqaysa Taakulaynta Iyo Taageerida Dadka Danyarta Oo Baryahii u Dambeeyay Deeqo U Qaybisay Dadkii Ay Waxyeeladu Ka Soo Gaadhay Daadadkii Iyo Abaarahii  Ka Dhacay Qaar Ka Mid Gobolada Somaliland Ayaa Waxay Barnaamij Wacyigalineed O0 Ku Saabsan Ilaalinta Nadaafada Kor U Qaadida Waxbarashada Ilaalinta Xuquuqda Haweenka Iyo  Arimaho Aas Aas U Ah Nololsha Aadanaha Waxay U Bilaabeen Dadka Barakacayaasha Ah Ee Ku Nool Degmada Gebo Gebo Ee Ka Tirsan Gobolka Togdheer,Bulshada Ay Wacyigaliyeen Oo dhammayd ilaa 950 qof oo Isugu Jira Haween, caruur, rag, dad waayeel ah.

Masuuyintii Ka Soctay Haayadaha ARC Ayaa Bulshada Ku Nool Degmadaasi U Sharaxay Faaidada AY Leedahay Ilaalinta Nadaafada Kor U Qaadida Waxbarashada Ilaalinta Xuquuqda Haweenka 
Bulshada Ku Nool Degamada Gebo Gebo Ayaa Soo Dhoweeyay Barnaamijka Wacyigalineed Ee Ay Haayadu Ka Waday Degmadaasi Iyaga Oo Sheegay In Si Weyne Uga Faaideen Barnaamijkan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: