Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Abuu Mansuur ,Xiisada Baydhabo Iyo Sababta Uu Uga Guuray Madaxtooyada.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu Horayn Ka  hadlay xadhiga loo geestay Sheekh Muktaar Roobow Abuu Mansuur iyo rabshadaha ka dhacay magaalada Baydhabo.

Maxamed Mursal ayaa ka tacsiyeeyay dadkii kala duwanaa ee ku dhintay rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo uu ku jiro Gudoomiyihii guddiga Amniga ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed .

 

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa xadhiga loo geestay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ku tilmaamay mid sharci daro ah, waxa uuna sheegay Abuu Mansuur in dhamaan uu biixiyay sharuudihii laga rabay uuna xaq u lahaa in uu tartamo.

 

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha golaha shacabka in xadhiga Abuu Mansuur aan loo marin wadadii saxda aheyd, waxa uuna sheegay in khalad tahay in awooda dowlada loo adeegsado xadhig iyo meel ka dhac .

 

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa ku baaqay in lasoo daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur loona ogolaado in Baydhabo dib ugu laabto si uu uga qeyb galo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed .

 

” Waxaa nasiib daro ah in dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed uu ka dhasho qabashadii Abuu Mansuur oo loo soo xidhay si baal marsan sharciga, maadaama aan amar maxkamadeyd aan lagu soo qaban ” Ayuu yidhi Maxamed Mursal.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sidoo kale cadeeyay in shacabka Koonfur Galbeed ay ka biyo diidsan yihiin fara galinta Xukuumada ku heyso doorashada Koonfur Galbeed , waxa uuna cadeeyay in uu horey uga digay dhibaatada maanta taagan.

 

Maxamed Mursal ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed inta laga helayo jawi xasiloon oo ku haboon doorasho xur iyo xalaal ah,Waxaanu Sidoo Kale  gudoomiyuhu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Koonfur Galbeed iyo shacabka in laga shaqeeyo sidii xasiloonida loogau soo celin lahaa magaalada Baydhabo ay ka dhaceen rabshado xoogan.

Gudoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Sidoo Kale ka hadlay sababta keentay in uu kasoo guuro xarunta Madaxtooyada uu horey u degnaa.

 

 

Waxa uu sheegay gudoomiyaha golaha shacabka sababta uu uga soo guuray Madaxtooyada una degay goob gaar ah in ay tahay sidii uu u heli lahaa dhaq dhaqaaqa Xildhibaanada kadib markii ay adkaatay in ay usoo gudbaan Madaxtooyada uu markii hore degnaa.

 

 

”Aniga halkan waxaan ugu soo wareegay waxa ugu muhiimsan waa in aan helaa dhaq dhaqaaqa Xildhibaanada , waad la socotaan deegaankii hore aan degnaa suurto gal ayey noqon weysay in Xildhibaanada iisoo gudbaan ,aniga halkan uma soo degin rabsho iyo buuq ee waxaan rabaa in sharcigu shaqeeyo oo lagana gudbo foodada” Ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

 

 

 

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sidoo kale sheegay in maalmahan ay bilaabatay in Xildhibaanada loo diido in ay usoo gudbaan guriga cusub uu ka degan yahay Muqdisho laguna dhibo koontaroolada.

 

 

 

” Xildhibaanada xaq waxa ay u leeyihiin in dhaq dhaqaaqooda uu xur noqdo ,beryahan dambe waxaa bilaabatay in Xildhibaanada loo diido deegaanka aan aniga deganahay in ay usoo gudbaan , arin wanaagsan maaha Baarlamaanka xur ayuu ka yahay golaha fulinta, halaga daayo Xildhibaanada koontaroolada lagu celinayo, ” Ayuu yuri Gudoomiye Mursal.

 

 

 

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa ugu baaqay Xukuumada Soomaaliya in ay ilaaliso sharciga wadanka u yaala ayna ogolaato in xildhibaanada si xor ah u dhaq dhaqaaqi karaan meesha ay doonaan.

 

 

Maxamed Mursal ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada golaha shacabka ay xaq u leeyihiin in Mooshin keeni karaan , waxa uuna xusay in mooshinka qeyb ka yahay shaqada Baarlamaanka .

 

 

 

Hadalka kasoo yeedhay Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa kusoo aadaya xili wali dowlada dhaxdeeda uu ka jiro khilaaf xoogan oo ka dhashay Mooshinka Xildhibano katirsan Baarlamaanka ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: