Guddigii Golaha Guurtidu U Xil-saareen Muddo Kordhinta Oo Kulankoodii Ugu Dambeeyay Yeeshay + Goorma Ayaa Lagu Dhawaaqayaa Muddada La Kordhinayo?

Guddigii golaha guurtida Somaliland u xil saareen ka soo tallo bixinta muddo kordhinta loo samaynayo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa waxa ay saaka yeesheen kulankoodii ugu dambeeyay.

Guddiga ayaa waxa ay hore kulamo gooni gooni ah ula yeesheen saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, sidoo kale waxa ay kulan la yeesheen xubnaha guddiga doorashooyinka Somaliland.

 

Guddigan ayaa waxa la filayaa inay maalinta bari ah ku dhawaaqi doonaan muddada kordhinayo doorashooyinka inagu soo waajan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: