Golaha Iskaashiga Khaliijka oo ka digay hanjbaadda Iran u jeedisay Imaaraatka

Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa cambaareeyey hanjabaadda ay dalwadda Imaartaatku kala kulantay Iran kaddib markii ay xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysatay Israa’iil. Bayaan Axaddii ka soo baxay golahaas ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Iran iyo masuuliyiin kale oo ku sugan Tahran, waxaan algu sheegay bayaanka in arrintaas ay khatar weyn ku tahay ammaanka iyo xasiloonida Khaliijka Caraba Isla markaasan ay ka horimanaysao xeerarka diblomaasiyadda. Madaxweynaha Iran Xasan Rooxaani ayaa Sabtidii sheegay in Imaaraatku ay gef weyn sameeyey markii ay heshiis diblomaasiyadeed al saxeexdeen Israa’iil,

isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay khiyaano ay samaysan dawladdaas Khaliijiga ahi. Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka Naayif Falaax Mubaarak Alxajar, ayaa ka dhawaajiyey in golaha Iskaashiga Khaliisku uu Imaaraatka ku garab taagan yahay hanjabaad kasta oo waxyeelaynaysa madax-bannaanideeda, ammaankeeda iyo xasiloonideeda. Dawladda Imaaraatka ayaa u yeedhay ergayga Iran u fadhiya Abu Dubay si loogu gudbiyo cabasho ka dhan ah hanjabaadaha Iran.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: