Golaha Amaanka ee Q.M. oo walaac iyo inay ka xunyihiin ka muujiyay go’aankii Somalia ku saartay ergayga Q.M. Nicholas Haysom.

New York (Somalilandmirror.com)- golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa sabtidii go’aan loo dhanyahay meel mariyay.

go’aankaas oo walaac iyo inay ka xunyihiin  lagu sheegay  go’aankii uu qaatay Madaxwaynaha Somalia Farmaajo,  kaas oo ahaa inuu Somalia ka saaro ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay Nicholas Haysom.

Waxa kale ee go’aanka la raaciyay in laga sugayo dawlada Somalia inay la shaqayn buuxda layeelato qaramada midoobay.

Dhinaca kale diblumaasiyiin golaha joogay ayaa sheegay in golahu uu markii hore jimcihii shiray si looga hadlo qoraal uu Ingriisku soo diyaariay oo ku saabsan soo saaridii ergayga xoghayaha guud qaramada midoobay Nicholas Haysom,

laakin ay China codsatay in wakhti dheeraad ah la siiyo si ay u darsaan qoraalka.

Waxa kale ee diblumaasiyiintu sheegeen in China ay Sabtidii soo noqotay oo codsatay in go’aanka wax laga badalo oo lagu daro in golaha amaanku uu ixtiraamayo madaxbanaanida Somalia iyo midnimadeeda .

ugu dambayn qoraalka uu soo saaray golaha amaanku ayaa lagu sheegay in Sanadkan cusub ee 2019 uu yahay sanad aan sahlaynayn , waayo hawlo badan ayaa u yaala dawlada Federaalka ee Somalia,  islamarkaana looga baahanyahay madaxda Somalia inay horumar ka sameeyaan dhinacyada amniga iyo siyaasada ba .




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: