Gaadhi Uu Leeyahay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Lagu Qabtay Hub Iyo Halka Lagu Waday Hubka.

Ciidamada Booliska Gobolka Togdheer Ayaa  Qabtay Gaadhi Siday Hub Iyo Rasaas Farabadan Taasi Oo La Sheegay Inuu Loo Waday Mid Kamida Beelaha Ku Dagalay Degmada Ceel-Afweyn.

Gaadhigani Hubka Siday Ayaa WaxaaSheegay Inuu Leyahay Xildhibaan Yuusuf Liibaan Cumar Oo Katirsan Golaha Wakiilada Somaliland,

Gaadhigani Siday Hubka Iyo Rasaasta Farabadan Ayaa Kusii Jeeday Degmada Ceelafwayn Oo Ay Ka Taagan Tahay Xaalad Colaadeed Oo Mudo Soo Noqnoqotay  Waxay Tani Tusaale Cadd Utahay In  Xaalada Halkaasi Ka Taagan Uu Dabka Ku Siishiyaadyo Xildhibaan Yuusuf Liibaan Cumar  Oo Kamida Xildhibaanada Laga Soo Doortay Degmada Ceel-Afweyn.

Gaadhigani Iyo Hubkii Saarnaa Ayaa Ku Xidhan Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Burco Ilaa Hada Xukumada Somaliland Kamay Hadal Arintani Dabka Loogu Sii Shidaayo Xaalada Ka Tagaan Degmada Ceel-afweyn.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: