Farmajo ma ahayn inuu xujo daba dhigo garawshiyihii uu siiyay Somaliland, Duqii hore ee Muqdisho

Muqdisho ( Somaliland Mirror )- Siyaasi Thabit Maxamed oo hore usoo ahaan jiray duqa magaalada Muqdisho, haddana ah Gudoomiyaha Xisbiga Awooda Shacabka oo u tartami doona Doorashooyinka madaxtinimada iyo barlamaanka Federalka Somalia ayaa si qota dheer uga hadlay raalin galinta uu Madaxwayne Farmajo siiyay reer Somaliland. Siyaasi Thabit ayaa hadalkiisa ku bilaabay ” marka hore waxaan boggaadinayaa in Dowladda Soomaaliya ay maanta ku dhawaaqday in garowshiyo iyo raaligelin ay ka bixineyso xasuuqii loo geystay walaallaha Somaliland, iyadoo la adeegsanayo magacii Dowladda Soomaaliya”.

Siyaasi Thabit ayaa hadalkiisa raaciyay ” Si hadalku ugu muuqdo mid runsheeg iyo niyad ka dhihid ah, waxaa Madaxweynaha laga sugayay inuu magaca Somaliland ugu yeero” ,si buu yidhi uu u abuurmo uur-fayoobi, sidoo kale ma aheyn in Madaxweynuhu xujo daba dhigo hadalkiisa”.

Siyaasi Thabit ayaa hadalkiisa kusoo xidhay “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iney si dhab ah, oo daacadnimo iyo laxaw ku jiro ugu istaagto sidii looga dhayi lahaa walaallaha Somaliland dhibkii gaaray, loona furi lahaa wadahadallo miro-dhal ah oo laga dhaxlo natiijo wanaagsan oo taariikhi ah”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: