Ethiopia Oo U Eeg Dal Ku Sii Socoda Dagaal Sokeeye iyo Burbur.

Addis Ababa ( Somaliland Mirror)- Saacadihii Hore ee 5 November 2020 Ayuu Prime Minister ka Ethiopia Abiy Ahmed Amar Ku Bixiyay In Ciidamadiisu Weerar Ku Qaadaan Gobalka Tigray ga ee Xadka La leh Eritrea oo 6% Dadwaynaha Ethiopia Deegaan U Ah. Duqaymo Cirka Ah, iyo Tilifoonada Iyo Internet ka ayaa isla maalinta la bilaabay Dagaalka Laga Jaray.
Islamarkaana Abiy Ahmed Aya Wuxuu Bilaabay In Madaxda Sare Tigray Kasoo Jeeda Dawlada Ka Saaro. Waxa Kale Uu Abaabulay Oo Dagaal Galiyay Maleeshyaad Qomiyadaha Ee Loo Yaqaan Liyuu Booliska Waliba Si Gaara Kuwa Amxaarada iyo Oromada. Waxa Kale Uu Dhagaha Ka Furaystay Dhawaaqyada Ka Imanaya Beesha Caalamka Ee Wada Hadal Lala Galo Tigray ga KU Baaqayay.

Sabtidii 7 November 2020 , Aya Barlamaanka Ethiopia Ku Dhawaaqay In Ay Badaleen Maamulkii Gobolka Tigray ga. Axaddii 8 November 2020 Waxuu Prime minister Abiy Ahmed U Magacaabay Maamul Cusub Gobalka Tigray ga.

Prime Minister Abiy Ahmed Wuxuu ku Dooday In Sababta Dagaalku Ku Bilaabmay Yahay In Maamulka Tigray Weerar Ku Qaaday Fadhiga Ama Saldhiga Waqooyi Ee Ciidanka Military Ee Ethiopia, Balse Warar Kale Waxay Sheegayaan In Xaqiiqdu Sida Ka Duwantahy. Marka Hore Abaabulka Dagaalku Wuxuu Socday Ugu Yaraan Dhawr Todabaad. Marka-Labaad, Ciidamada Federalka Iyo Ciidama Laga Keenay Maamul Gobaleedada Kale Ee Ethiopia Sida Amxaarada Waxa La isugu Keenay Xuduuda Gobalka Tigray gu La Leeyahay Gobalka Amxaarada Laga Bilaabo Horaantii Bishii Tobnaad ( October).

Saldhiga Waqooyi Ee Ciidanka military ee Ethiopia Waxa Ay Madaxdiisu Iyo Saraakiishiisu Ubadnyihiin Tigray Iyo Oroma ba. Talisku Wuxuu Maqale Oo Ah Caasimada Tigray ga In Ka Badan 20 Sanadood Ku Yaalay. Waxa La Rumaysan Yahay In Qomiyada Tigray ga Iyo Jabhada TPLF Ay Si Qota Dheer Ugu Xididaysteen Taliska Ciidanka military ee Ethiopia Ee Waqooyi.

Sida Daraadeed Markii Uu Amarka Bixiyay Prime minister Abiy Ahmed In Weerarka Uu Taliska Waqooyi Qaado , Waxa Dhacday In Ay Diideen, Islamarkaana Ay Amarka Ka Qaataan Maamulka Gobalka Tigray ga Ee Dhawaan La Doortay. Wararkuna Waxay Sheegayaan In Xooga Yar Oo Abiy Ahmed Ka Amar Qaata Oo Ka Tirsan Taliska Isku Day Ay Sameeyeen Markiiba Laga Adkaaday.

Waxaana La Rumaysanyahay In Qomiayada Oramada Ee Ka Tirsan Taliska Intooda Badan Ay Kasoo Horjeedaan Abiy Ahmed Oo La Safanyihiin Maamulka Tigray ga. Arinta Yaduna Xusida Mudan Aya Ah In Tigray gu Ay Gacanta Ku Hayaan Hubka Ugu Badan iyo Ka Ugu Culus, Ama Ugu Muhiimsan. Waxa Kaloo Ay Gacanta Ku Hayaan Diyaaradaha Qumaatiga U Kaca , Iyo Taangiyo Ku Filan.

Kalsooni La’aanta Abiy Ahmed Uu Ka Qabo Saraakiisha Sare ee Ciidanka Ethiopia

Abiy Ahmed Waxa La Rumaysan Yahay In Aanu Xidhiidh Wacan La Lahayn Madaxda Ugu Saraysa Ee Ciidanka Ethiopia . Arintaas Ayaa Sabab U Ah Waxa Uu Abiy Ahmed U dirsado Ama Ugu Kalsoon Yahay Ciidamada Maamul Goboleedada .
Illa Hadda Ciidanka Ugu Badan Ee Uu Adeegsanayo Abiy Ahmed Ayaa Ah Ciidamada Maamul Goboleedada Khaasatan Kuwa Amxaarada Iyo Oroma da.

Waxaana La Rumaysanyahay Dagaalka Uu U Xil Saaray Abiy Ahmed Ciidama Qomiyadeed Ciil U Qaba Tigray ga Inuu Keeni Karo Khatar Wayn.

Inkastoo Aan Eedda Dagaalka Aan La Saari Karayn Abiy Ahmed Oo Kaliya, Oo Ay Eedda Wax Ku Yeelanayaan Maamulka Tigray Ee TPLF, Haddana Waxa Indhaha Caalamka Ka Yaabiyay Sida Mar Qudha Uu Abiy Ahmed isaga badalay Nin Nabad Jecel Oo Nobel peace prize Qaatay Oo Uu U Noqday Nin Dagaalka U Arka Xalka Kaliya Ee Wax Lagu Dhamayn Karo.
Ethiopia Waxay Uu Eegtahay Dal U Dhaqaaqay Dagaal Sokeeye, Dagaalkiina Wuu Sii Fidaya, Dhimashdiina Wa Ay Tira Beelaysa, Qax iyo Barakac Aan Yarayn Ba Isna Jira, Waxaas Oo Dhan Waxa Ay Ku Dhaceen WFilan.Todabaad Kaliya Ah, Ama Todaba Maalmood Gudahood.
Islamarkaana Qorshahii Abiy Ahmed Ee Aha In Si Deg deg Wax Loo Soo Afjarayo, uma Eeka mid Soconaya. TPLF iyo Tigray Waxa Ay U Eegyihiin Niman U Diyaar Ah Dagaal Noocan Ah Oo Daba Dheeraada, Waxaana Cabsida Ugu Wayn Ka Jirta Qomiyadaha Sii Kala Fogaanaya, Ee ciilka Isu Qaba.

Dawlada Ethiopia Oo 20kii Sano Ee Ugu Dambeeyay Lagu Majeeranayay Kobac Dhaqaale, iyo Hogaaminta Geeska Afrika Ciidan Ahaan iyo Siyaasad Ahaan iyo Dhaqaale ahaan Waxay Cagta Saartay Wadadii Burburka Sida Muuqata, Haddii Aan Wax Isbadalin. Waxa Yaduna Sii Yaraanaysa Marba Marka Ka Dambaysa Rajadii Laga Qabay Dhexdhexaadintii Beesha Caalamka, Oo Haddii Ayna Si Dhakhsa Ah U Faragalin Gabi Ahaanba Meesha Ka Baxaysa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: