Addis Ababa (Somalilandmirror.com)-Warar hoose oo ay helayso Somaliland Mirror ayaa sheegaya in dawlada Ethiopia ay dhawaan safiir cusub u soo magacaabi doonto Somaliland.
Safiirka cusub ee la filayo in Ethiopia ay magacaabi doonto ayaa wuxuu hore usoo noqday ;
-Safiirka Ethiopia ee Djibouti iyo
-Safiirka Ethiopia ee Kenya
Safiirka oo magiciisu yahay Shamsudiin ayaa waxa uu yahay ama kasoo jeedaa qomiyada Somaalida ee kamidka ah qomiyadaha badan ee Ethiopia dega.
magacaabistan ayaa haddii ay dhabawdo noqonaysa in kor loo qaaday meeqaamkii Somaliland, islamarkaana muujinayaa inay waxba kama jiraan ahayd hadal dhawaan saxaafada lasoo galiyay oo sheegayay in Ethiopia ay xidhiidhkii Diblumaasiyeed ee ay la lahayd Somaliland hoos u dhigayso.
Dawlada Ethiopia ayaa Somaliland la leh xidhiidh ganacsi oo malaayiin doolaarka maraykanka ah kasoo galaan , waxa kale dhawaan ay Ethiopia ku yaalatay saami ah 19% shirkada maamulaysa dekada Berbera shan iyo labaatanka sanadood ee soo socda .
Sidoo kale Somaliland ayaa wada shaqayn la leh Ethiopia dhinaca amaanka iyo nabadgaliyada.