Dr. Cali Khaliif: Sunuuftii burburkii Somalia baa iiga soo uraysa Somaliland

Hoggaamiyihii hore ee maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr, ayaa ka hadlay cabudhinta ay shacabka ku hayso Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.

Dr. Cali Khaliif Galeyr, ayaa qoraal uu arrimahaasi kaga hadlayo waxa uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhignaa sidan:

“Somaliland sunuuftii ama Urtii ay ku burburtay koonfur aya iga soo uraysa mar hadii cabudhinta shacabka ay badato lays dhagaysan waayo Dastuurkana lagu dhaqmiwaayo Waa Dhibato bulshada burbur u horseeda

Fariintaydu waxa weye Dastuurka Dalka uyaala hala ixtiraamo hana lagu dhaqmo

Aniga iyo saxibkay Ahmed ismail waxyabo badan oo anu qiimayn ku wadnay dhawan ayan soo bandhigidoonaa inshallah”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: