Dp world Oo sheegtay inay dhamaystireen balaadhinta dekada Berbera

Shirkadda DP-world ayaa sheegtay inay dhameystirtay 400mitir oo qeyb ballaarinta dhismaha dekeda magaalada Berbera ee Somaliland, sida ay ku shaacisay barteeda ay kuleedahay Twitterka.

DP-world waxay tilmaamtay in dhismahaan cusub uu qeyb ka qaadandoono kororka awooda marinka dekeda, islamarkaana la gaaridoono in ay dekeda xamili karto culays dhan 500,000 Konteenar sanadkiiba. Waxay kaloo sheegtay inay sii xoojin doonto magaalada Berbera si ay u noqoto xarun ganacsi oo weyn oo gobolka Geeska Afrika ka adeegato.

Shirkadda DP-world ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka dekedda Berbera taariikhdu markay ahayd 11 Maajo sanadkii 2017. Muddo 25 sano ayay ka saxiixatay Somaliland inay maamusho dekeda Berbera, waxayna taas bedelkeeda bixindoonta boqolaal million oo dollar oo ay dekeda ku maalgalindoonto.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: