Dp World oo Berbera Ka Soo Saartay War Xaasaasi Ah Iyo Magaalada Diridhaba Ee Itoobiya Oo Ay Ka Dhigayso Xarunta Ugu Weyn Afrika Ee Alaabada Lagu Qaybinayo

Berbera(Somalilandmirror)-:­ Shirkadda maamusha dekedda Berbera ee DP World ayaa sheegtay in ay si dhaw ula socoto
furfurnaanta ganacsi iyo dhaqaale ee dalka Itoobiya oo hay’ado dawladdu maamulaysay laga dhigayo kuwo madax bannaan. Waxa kale oo ay shirkaddu sheegtay in ay gabogabo tahay daraasayn lagu waday xarun ay ku yeelan doonto magaalada
Diridhaba ee dalka Itoobiya taas oo dalka Itoobiya iyo guud ahaan Bariga Afrika loogu qaybin doono alaabooyinka laga soo
dejiyo dekedda Berbera.
Madaxa shirkadda DP World ee Bariga Dhexe iyo Afrika Mr Suhayl Al Banna ayaa sheegay in saddexda bilood ee soo socda
la soo gabogabayn doono qorshaynta iyo sahaminta xarun xuddun u noqonaysa alaabooyinka laga soo dejinayo dekedda
Berbera taas oo laga dhigi doono Diridhaba sidoo kalena waxay shirkaddu doonaysa in ay Jigjiga ku yeelato xarun kale maaddaama ay suuqa ugu weyn ee ay doonaysa yahay Bariga Itoobiya siiba dhulka Soomaalidu degto.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: