Dowladda Soomaaliya Oo U Yeedhay Safiirka Kenya U Jooga Magaalada Muqdisho

Dowlada Soomaaliya ayaa u yeedhay safiirka Kenya u fadhiya magaalada Muqdisho Mr Lucas Tumbo si wax looga weydiiyo diyaaradii 5-tii bishan ka soo duushay magaalada Nairobi ee ku degtay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda mr Cabduqaadir Axmed Kheyr Cabdi ayaa ugu baaqay diblumaasiga Kenya in uu si deg deg ah jawaab uga Bixiyo Arintaan.

Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ayna u dulqaadan doonin faragalinta qaawan oo Kenya ku heyso Soomaaliya.

Kenya hore ayay u beenisay inay wax ka ogtahay diyaarada ka degtay magaalada Kismaayo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: