Dowladda Federaalka Oo Xamiliweyday Dhaliilhii Ex Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Jawaabna Ka Bixisay.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal u muqday hanjabaad oo ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadlay saacado un kadib markii uu Magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay Sheekh Shariif iyo Xassan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay “Aad ula yaabtay hadalkii filan waaga ahaa ee ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed”.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay aad ula yaabtay hadalkaas filan waaga ahaa ee ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed, hadalkaas oo filan waa ku noqday guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkan astaan qaran usoo noqday”, ayuu yiri wasiir Maareeye.

Wuxuu intaa raaciyay in ay ugu baaqayaan in uu dhowro magaciisa iyo sharafkiisa, kana dheeraado waxwalba oo dhaawacaya muuqaalka Qaran ee uu xambaarsan yahay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Hogaamiyeyaasha Madasha xisbiyada Qaran oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, kadib markiii ay ka soo laabteen Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay Dowladda Federaalka ku eedeeyen in ay hor istagatay safarkoodi Magalaada Beledweyne.

Wafdiga Madasha xisbiyada Qaran ayaa sheegay in markii ay damceen in ay ka dhoofaan garoonka Muqdisho lagu wargeliyay in aysan bixi karin, inkastoo markii dambe loo oggolaaday in ay baxaan.

Markii ay dhoofeen ayaa waxaa ay shegeen in ay ka degi waayeen garoonka Beldeweyne, oo loo sheegay in garoonka uu dhiiqo yahay, walow markii dambe ay ka dageen.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ay ka soo laabteen Beledweyne, shirka jaraa’id ka sheegay in garoonka uu ahaa mid angagan oo wax dhiiqa ah uusan lahayn, waxaana uu intaa raaciyay in aysan garaneyn sababta loogu diiday in ay degaan.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ahna hogaamiyaha Madasha xisbiyada Qaran oo shirka jaraa’id kaga hadlay arrintan ayaa aad ugu dheeraaday waxa uu ku tilmaamay “ku takrifalka awoodeed ee dowladda”, waxaana uu intaa raaciyay in uu dulqaadkii ka dhamaaday.

“Magaaladan Mooryaan ayaa heysan jirta soma ahan, waa lala dagaalamay waa la bixiyay. Itoobiyan ayaa soo galay maxaa lagu sameeyay ? waa la bixiyay, Al Shabaab ayaaa qabsaday waa la bixiyay, ma ka xoog badan yihiin dadkan? Kama xoog badna. Walaahi Thuma walaahi …. Walaahi Thuma walaahi …. Walaahi T




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: