Diyaarad Sida Maxaabiis Reer Puntland Oo Ku Wajahan Magaalada GAROOWE Ee Caasimada Puntland

Diyaarad Sida Maxaabiis Reer Puntland Oo Ku Wajahan Magaalada GAROOWE Ee Caasimada Puntland

Diyaarad sidda 14 maxbuus oo laga keenay magaalada Hargeysa ayaa sida qorshaysan duhurnimada maanta ka degaysa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Maxaabiistaasi Ayaa Laga Soo qaadayo magaalada Hargeysa Kuwaas Oo Hore Loogu Qabtay dagaalladi dhexmaray Puntland iyo Somaliland oo ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Sidoo kale diyaaradda ayaa Hargeysa u qaadaysa 3 maxbuus oo Somaliland looga qabtay Tukaraq kuwaasi oo haatan ku xiran magaalada Garoowe.

Somaliland ayaa dhankeeda dagaalka ku qabatay 14 maxbuus oo dhammaantood maanta la keenayo Garoowe.

Heshiiskan maxaabiis is-weydaaarsiga labada dhinac waxaa ka soo shaqeysay hay’adda Laanqeyrta Cas ee ICRC




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *