Deg Deg :-Xildhibaan Dhakool Oo Xukuumadu Xabsiga Dhigtay

 

Hargeysa :(Somaliland Mirror) Xukuumada somaliland ayaa xabsiga dhigtay xildhibaan Dhakool oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada somaliland.

Image may contain: 1 person, eyeglasses, hat and beard

Warar rasmi ah oo ay Somaliland  Mirror heshay ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay qabteen xildhibaan Dhakool oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda gobolka Sool.

Wararka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in xildhibaan Dhakool hada ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa isla markaana la qorshaynayo in saacadaha soo socda loo gudbiyo xarunta dambi baadhista.

Sababaha ugu waa weyn ee loo aanaynayo xadhiga xildhibaan Dhakool ayaa ah hadalo uu dhawaan sheegay oo ku saabsan xuska maalinta 18-ka May ee loo sameeyo dib ula soo noqoshadii madax banaanida somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inaanay ahayn maalin qaran balse u gaar ah ururka SNM.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: