Deg Deg: Somaliland Oo Soo Dhawaysay Xidhiidhka Diblumaasi Ee Rasmiga Ah Ee U Bilaabmay Israel iyo Imaartka Carabta.

Hargiesa ( Somaliland Mirror)- Xukuumada Somaliland ayaa kamid noqotay dawlada badan oo soo dhaweeyay xidhiidhka diblumaasi ama xidhiidhka caadi ama dabiici lagaga dhigayo xidhiidhka Israel iyo dawlada Imaaratka Carabta.

Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa noqonaysa dalkii carbeed ee khaliijka ah ee ugu horeeyay ee xidhiidh dhinacya badan ah la yeelanaya si toos ah Israel oo dalal badan oo carbeed ama islaam ah ayna wax xidhiidh ah la lahayn qadiyada falastiin awgeed.

Madaxwayne Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Xidhiidhka labada dhinac ay shardi u tahay in Israel ay joojiso ku duruga ama la wareegida ( West Bank) ee Falastiin leedahay.

Sida heshiisku dhigayo waftiyo labada dhinac ee Israel iyo Imaaraatka ayaa kulmaya weegaga soo socda si loo kala saxeexdo heshiisyo labada dhinac iska kaashanayaan , maalgashiga , dalxiiska, duulimaadya toos ah, amniga, isgaadhsiinta, iyo tamarta iyo dhinacya kale oo labada dhinac dan ugu jirto.

Hadabaa dawlada Somaliland ayaa soo dhawaysay xidhiidhkan labada dal u bilaabmay oo tidhi wuxuu xoojinaya iskaashiga dawladaha, islamarkaana wuxuu ka qayb qaadanaya xasilinta mandaqada bariga dhexe.

Dawladda Somaliland ayaa waxay tidhi , annaga oo ah dal jecel nabada waanu taageerayna xidhiidhkan taariikhiga ah ee labada dal.

Talaabadan ay dawlada Somaliland qaaday ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee Somaliland ay ka hadasho Israel xidhiidh ay dal kale la yeelato.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: