Deg Deg: Somaliland oo joojisay dhamaan qalabkii isgaadhsiinta aha ee ka imanayay China.

Hargiesa ( Somaliland Mirror)- Dawlada Somaliland ayaa joojisay dhamaan qalabkii isgaadhsiinta aha ee dalka imanayay. Go’aankan aya imanaya yadoo dhawaan ay Somaliland xidhiidh diblumaasiyeed la samaysatay Taiwan, kaas oo ay si adag oga hor timi dawlada China.

Qalabka isgaadhsiinta ( tilifoonada, laabtobyada,…. ,iwm) ayaa inta badan Somaliland uga yimaada China.

Lama sheegin sababta ay Somaliland u joojisay dhamaan qalabkii isgaadhsiinta ee Somaliland imanayay, balse waxa la rumaysan yahay in ay tahay talaabo ay Somaliland kaga gaashantamayso khatar kaga iman karta China, maadaama xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan aanay China marnaba raali ka ahayn, islamarkaana waftigii China ee dhawaan Somaliland yimi aanan wax is afgarad ah laga gaadhin isfahanwaaga Somaliland iyo China soo kala dhex galay. Dawlada Somaliland ayaa yadu ku adkaysanaysa in marwalba ay xaq u leedahay cid allah cidda aya xidhiidh la yeelanayso.

kala soco Somaliland Mirror wixii warar ee kasoo kordha arrimaha #Somaliland/Taiwan/China




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: