DEG DEG: Maxamuud Xaashi Iyo Siyaasiyiin kale oo miisaan ku leh Kulmiye, oo aan Wali U Anba Bixin Goobta Shirku Ka Dhacayo.

Hargsysa ( somalilandmirror.com) wararkii ugu dambeeyay ee shirkii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa sheegaya in ay jiraan siyaasiyiin,  wasiiro,iyo masuuliyiin xilal ka haya xisbiga kulmiye iyo wasiiradii horee xukuumadii madaxwayne siilanyo ,oo an guud ahaanba ka qayb galayn shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye kaas oo la filaayo inuu maalinta beri ah 24 bishan ka nfurmo magaalada boorama.

Siyaasiyiintan oo miisan culus ku lahaa asaaska iyo soo saarida xisbiga kulmiye wakhtigii doorashada madaxtoyada ee somaliland kuwaas oo ay hor kacayeen wasiirkii horee ee wasaarada madaxtooyada somaliland maxamuud xaashi cabdi, wasiirkii horee wasaarada hawlaha guud iyo guryaynta cali xasan maxamed cali mareexan, xildhibaan maxamed cali obaama ,wasiir  xasan gafaadhi iyo siyaasin xilal kala duwaan ka hayay xisbiga talada dalka haya iyo xukuumadihii kala danbeeyay ee somaliland oo dhamaantoodba ka qayb ahaa guulihii kala danbeeyay ee xisbiga kulmiye gaadhay .

Sidoo kale waxaan ilaa hada la ogayn sababta ay xubnaha miisanka leh ee marxaladaha kala duwam u soo maray xisbiga kulmiye maanta loogu arki wayay garbaha madaxwayne biixi.

ugu dambayn lama oga in sidii caadada u ahayd Xisbiga Kulmiye khilaafyada ku yimaada ay xaliyi doonaan, iyo in kale toona, laakin Xisbiga Kulmiye ayaa haddii siyaasiyiinta culayskaa leh ay kasoo xadiri waayaan shirkiisa , ayaa keeni karaysa culays siyaasadeed, islamarkaana horseedi karta in xisbiga dhaawac wayn uu gaadho.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: