Deg Deg: Madaxwaynihii Sudan Cumar Al Bashiir oo kursigii ka degay.

Sudan ( Somaliland Mirror)-Warar ka imanaya Sudan oo aan wali la xaqiijin laakin laga soo xigtay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegaya in Madaxwaynihii Sudan Cumar Al Bashiir inuu xilkii ka degay.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in hadda ay socdaan wadahadalo iyo la tashi la doonayo in guddi ku meel gaadh ah la sameeyo si ay talada ula wareegaan.

Gudiga ayaa loo malaynayaa inuu ka koobnaanayo ciidanka military ga .

Television ka Sudan ayaa goor dhawayd sheegay in dhawaan uu soo bixi doono bayaan ama war saxaafadeed lagu sheegayo sida ay wax u jiraan.

Kala soco Somaliland Mirror wixii war ah ee kasoo kordha arintan.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: