Deg Deg :- Madaxwaynaha Sudan Oo Ku Dhawaaqay Xaalad Deg Deg ah, Xukuumadiisana Kala Diray

Madaxweynaha Sudan Cumar Albashiir waxa uu ku dhawaaqay Xaalad deg deg ah muddo hal sano ah.

Waxa uu kala diray xukuumaddii heer qaran. Waxa uu kala diray xukuumadihii gobollada.
Waxa uu sheegay in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh.

Waxa uu ku baaqay wada hadal iyo xoogagga mucaaradku aysan dalka burbur u horseedin.
Waxa uu u tacsiyeeyay dadkii ku wax yeelloobay rabshadihii dalka ka dhacay.

Waxa uu dadkiisa uga boorriyay in ay ku waano qaataan waxa ka dhacay dalal Sudan daris la ah, kuwaas oo fowdo ku dambeeyay markii ay dowladihii iska rideen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: