Budhcad baddeed Soomaali ah ayaa xeebaha bari ee Soomaaliya ku afduubtay markab kasoo safray dhinaca Imaaraadka Carabta, kaasi oo ku socday dekedda magaalada Muqdisho.
Markabka ayaa waxaa qafaashay 6 budhcad-baddeed Soomaali ah habeennimadii Arbacada, iyadoo goobta uu ka dhacay afduubku ay tahay Gardafuu oo ka tirsan Puntland.
Markabka la afduubtay ayaa watay calanka waddanka Panama 🇵🇦 .