Deg Deg: Beesha caalamka oo taageeraty go’aamadii gudidii dhex dhexaadinta.

Hargiesa ( Somaliland Mirror)- Beesha CAALAMKA ayaa taageertay go’aamadii ay soo saareen gudida dhexdhexaadinta ee Somaliland.

waxa arinta ka hadlay isagoo beesha caalmka afkeeda ku hadlaya Safiirka Midawga Europe uqaabilsan Somalia iyo Somaliland Mr Nicholas Birlanga.

Wuxuuna yidhi waxaan aad u hambalyanya gudidii dhexaadintii ee isxilqaantay, islamarkaana soo jeedisay qodaba xal u noqon kara khilaafkii mudada badan hadheeyay ee dib udhaca ku sameeyay hanaankii dimuuqraadiyada iyo Doorashooyinka Somaliland.

waxuu kalee intaa ku daray in beesha caalamku diyaar u tahay in ay la shaqayso islamarkaana dhiirigaliso hirgalinta qodabada ay soo saareen gudidu.

Go’aamadii ay guddigu soo saareen ayaa waxa ugu waawayna ;

1)-In la kala diro kominshankii cusbaa ee doorashooyinka.

2)-In la soo celiyo kominshankii hore ee doorashooyinka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: