Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag Oo Bandow Lagu Soo Rogay Iyo Ciidamo Badan Oo Lagu Daad Gureeyay.

Abaaro 7-Subaxnimo ee saaka ayaa bandoo lagu soo rogay Magaalooyin ay ka mid tahay Ceel Afweyn Waxaana gabi ahaanba lagu daadiyay Ciidamo hub iyo tikniko ku gaashaaman.

Dad ku sugan Magaalada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa noo xaqiijiyay bandooda waxaana ay noo sheegeen in la joojiyay dhaqaaqii gaadiidka iyo dadka iyadoo sidoo kalena ay ciidan wadaa baadhitaan xoogleh.

Arrintan ayaa daba socota dagaal dhiig badani ku daatay oo labadii maalmood ee u dambeeyay deegamaasi ku dhex maray maleeshiyo hubaysan oo ka kala tirsan beelo walaalo ah oo deegaamaasi wada dega.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: