“Dawladdu Marnaba Raali Kama Ah Cid Cadaw ah” Xukumadda Somaliland Si Adag Uga Hadashay Xaalado Soo Kordhay.

Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika,

ayaa sidoo kale ka hadlay socdaalka Madaxweynaha ee Berbera iyo roobabka curtay, waxaanu ugu horeyn uu
ku jawaabay isagoo ka jawaabay diyaaradahan walxaha daadiyey iyo waxaa Xukuumad ahaan uga meel yaala
“Dawladdu marnaba raali kama ah, cid cadaw ah, ama cid kasta oo dalkeeda iyo dadkeeba ku soo xad gudba,
Dawladduna diyaar uma ah cid cadaw ah oo diyaarado wata ama hub iyo wax kale ku soo daadiya dalkeena,
Dawlad iyo Shacabna raali kama nihin in xadkeena lagu soo xad gudbo, wixii aynu ka qaban karnaan waa laga
qabanayaa, arimahan oo kalena dalka hore wey uga dhac­dhaceen, diyaaradahan cid wadaa iyo ujeedada laga
leeyahayna lama fahansana, laakiin Dawlad ahaan arintan waanu hubinaynaa, oo waanu baadhaynaa siday wax
u dhaceen, marka ay wax dhacaana waa la buun­buuniyaa, laakiin diyaaradahani haddii ay ka yimaadan Wadamada Jaarka, iyo haddii ay ka yimaadan baddahaba, marnaba raali kama nihin in Baddeena, Dhulkeena
iyo Hawadeenaba lagu soo xad gudbo,”.

 

 

Mar uu ka hadlaayey Socdaalka Madaxweynaha ayaa yidhi “Anigu waxaan ka mid ahaa Dadkii Madaxweynaha
u raacay Magaalada Berbera,Mashaariico badana waanu furnay maanta (shalay), horumarkaas ka socda Berbera
waa horumar inoo soo kordhay, oo faa’iido badan u leh dalkeena iyo dadkeenaba, oo Dekaddeena oo ah halkay
wax inooga soo degaan horumar weyn baa la gaadhsiiyey, aad iyo aadna waanu ugu faraxsan nahay, qaabka ay
hadda u shaqeeyso iyo dawladdu waxay mar kasta diyaar u tahay inay dalka horumar balaadhan oo dhan kasta
ah gaadhsiiso iyo inay shaqo abuur same




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: