Dawladda Somaliland Oo Shirkadaha Kalluumaysi Ee Shiinaha Uga Digtay In Ruqsada Ay Dawladda Soomaaliya Siisay Ula Soo Talaabaan Biyaha Somaliland.

Dawladda Somaliland ayaa shirkadaha Shiinaha ee dhawaan heshiiska kalluumaysi la galay dawladda Soomaaliya, waxay uga digtay inay ku soo xad gudbaan biyaha Somaliland.

 

Maqaal lagu qoray shabakadda defense one oo uu ku saxeexanyahay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa waxa ay xukuumadda Somaliland kaga digtay halista amni iyo xaaluf ee ka dhalan karta kalluumaysi ay shirkadaha Shiinuhu sameeyaan.  “Kallumaysiga Somaliland ismuu bedelin jiilal badan, taas oo wax ka tartay kaydinta iyo ilaalinta deegaanka badda. Galbeedka Afrika oo afar kun oo mayl u jira, kallumaysi xad dhaaf ah ayaa keenay inbadan oo noolaha biyaha ahi inay qarka u saaran yihiin inay dabar go’aan, islamarkaana khatar ku ah nolol maalmeedka dadka iyo amaanka cuntada. Somaliland si dhow ayay ula socotay arimahaas iyada oo ka walaacsan.” Ayay tidhi qormada Wasiirku waxaanay intaas raacisay “Shiinuhu maaha dalka keliya ee haysta doomaha kallumaysi oo wax xaagaafa, balse doomihiisa ayaa dal shisheeye ku casumay dhul biyoodkayaga. Hadday soo galaan, doomaha wata shabagyada waawayn, waxaay baabinayaan noolaha ku jira baddayada iyaga oo waxyeelo u gaysanaya taranka islamarkaana sii kordhinaya hoos u dhac ku yimaada kalluunka. Waxa intaas dheer in qaabka aan kala xulashada lahayn ee ay doomahaasi u qabsadaan kallunka iibsami kara iyo ka aan iibsami karinba si isku mid ah sidoo kalena ku aasidda qashin lagu shubo biyaha waxaay burburin kartaa noocyada noolaha naadirka ah ee u gaarka ah badayada.”

 

 

 

Wasiir Faratoon oo ka hadlaya ruqsada ay Soomaaliay siisay Shiinaha wuxuu yidhi “Ruqsadda ay Somaliya bixisay wuxuu ogolaanaya in Shiinuhu qabsado nooca kallunka tuunaha, balse noocyo kale oo badan oo ay ka mid yihiin libaax badeedka iyo hoombarada ayuu sidoo kale xagaafayaa.

 

 

 

Doomaha kallumaysiga ee yaryar ee ay Somaliland leedahay lama tartami karaan maraakiibta Shiinaha iyo tikonoolajiyadda casriga ah ee ay isticmaalaan. Waxa la sheegay in markabka caadiga ah ee Shiinuhu uu todabaad gudihii ku qabsan karo kallunka doonta Afrikaanka ahi ay sanad dhan qabsan lahayd. Afkrika oo dhan, kala sinaan la’aantaasi waxaay debedda uga saartay balaayiin doolarka Maraykanka ah, iyada ku qasabtay kallumaysatada maxalliga ah inay galaan dembiyo, aragagixisnimo iyo budhcad badeednimo.

 

 

 

Dawladda Muqdisho wax awood ah kuma laha dhulkayaga, balse taasi kamay joojin inay faraha la soo gasho arimaha gudaha ee dalkayaga. Marka laga yimaado inay ku tahay xadgudub madaxbanaanida Somaliland, gacan toglaytani waxaay sidoo kale kor u qaadaysaa suurtagalnimada khilaaf ka qarxa Geeska Afrika – taas oo laga yaabo inay tahay waxa ay dawladda Muqdisho doonayso. Iyada oo Somaliland ay soo dhowaynayso danaha shirkadaha shisheeye ee doonaya inay maal gashadaan khayraadkayaga, hadana maalgelintoodu waa inay kor u qaadaa horumar waara oo ay muwadiniintayadu gaadhaan. Maadama aanu jirin heshiis ay la galeen Wasaaradda Kaluumaysiga ee Somaliland si waafaqsan qanuunka Somaliland, kallumaysatada Shiinaha waa u caqli xumo haday isku dayaan inay soo galaan dhul biyoodkayaga.”

 

 

 

 

Isagoo Wasiirku ka hadlaya halista uu kalluumaysiga Shiinuhu leeyahay wuxuu yidhi “Kallumaysiga xad dhaafka ahi wuxuu khatar ku hayaa dadwaynaha aduunka oo dhan. Sida ay sheegtay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay, boqolkiiba 90 kalluunka aduunka si buuxda ayaa loola baxay ama wuxuu wajahayaa dabar go’. Somaliland waxaay doonaysaa inay ka bed qabto arinkaas, balse si ay ugu guulaysato waxaay u baahan tahay inay marin u hesho ilaalinta sharci ee ay helaan dhamaan dalalka madaxa banaani.”

 

 

 

 

Ugu dambayn waxay dawladda Somaliland u digaysaa Shiinaha, waxaanay tidhi “Inkasta oo ay rajo badan qabaan, hadana dadka reer Somaliland waa dad waaqici ah. Mudo ka badan 27 sanadood kadib markii Somaliland ay ka baxday midawgii ay la gashay deriskeeda Somalia, dalkayagu wuxuu weli sugayaa in loo aqoonsado qaran madax banaan. Mudada dhow Somaliland intii karaan keeda ah way is-xakamaynaysaa. Haseyeeshee, haddii bulshada caalamka ay dhab ka tahay ilaalinta badwaynta, badaha, iyo khayraadka badda ee yar, waa inay ku racaan Somaliland ka soo horjeedkeeda ay ku diidan tahay ruqsadaha ay Somaliya siisay shirkadaha Shiinaha. Buux dhaafka iyo kala duwanaanshaha noolaha badeed ee ku jira xeebta Somaliland – iyo dal kasta  oo kale ba – waa inaan loo qaadan arin iskii iskaga jiri kara.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: