Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Inaanu Sii Shaqayn Karin Garoonka Diyaaradaha Ee Moqdisho + Sababta.

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa sheegtay inaanu sii shaqayn karin madaarka magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Salaad oo la hadlay warbaahinta dawlada Muqdisho ayaa sheegay in xaalada uu haatan garoonku ku sugan yahay ay tahay mid aanu ku sii shaqayn Karin, isaga oo xusay in hawlaha garoonku ay aad u badan yihiin.

 

Wasiir Maxamed Cabdilaahi Salaad oo ka hadlaya xaalada garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cade ayaa waxa uu yidhi

 

“Garoonka Muqdisho ee hada dhisani wuu nagu filan yahay haddii aan samayno qorshe wanaagsan oo ku saabsan xiliga ay soo dagayaan diyaaraduhu oo si fiican loo kala qaybiyo, arimahaasna shuruuc ayaau ka soo saarnay anaga oo diyaarad kasta u sheegnay inay soo codsato wakhti waxaanan u sheegnay in  subaxii hore uu garoonku aad u yahay mashquul balse inta kale aanu firaaqo leenahay,tusaale ahaan diyaarada Ethiopia Airline oo kale hada waxay timaadaa 11-ka duhurnimo, Kenya Airweys-na way timaadaa.”

 

Wasiirka ayaa cadeeyey inaanu sii shaqayn Karin garoonka mudo dheer waxaanu mar kale yidhi

“Laakiin hada waxa cad inaanu garoonkani sii ahaan Karin mid mudo dheer sii shaqeeya hadaan imika wax laga qaban sababtoo ah duulimaadyadii way sii badanayaan, amaankiina wuu sii kordhayaa, ganacsiga iyo dadka ku dhiiran inay maalgashadaan dalku way sii badanayaan, dadkii dibada ku noolaana way soo noqonayaan, hada waxaynu leenahay hal Run-way oo ay ka soo dagaan diyaaradaha inkasta oo ay caadi tahay in wadamada horumaray ay garoomadooda waa weyn leeyihiin hal Run –Way hadana waxaan u baahanahay inaan dib u soo celino meelaha muhiimka ah dib u soo celino.”

 

Wasiirka ayaa sheegay inay hada bilaabeen casriyeynta garoonka waxaanu yidhi “Hada waxay shaqadiisu socotaa sidii loo casriyeyn lahaa garoonkaas diyaaradaha ee Muqdisho




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: