Dawlada Soomaaliya Oo Baadhis Ku Bilowday Qaabkii Loo Xaday Imitixaankii Qaranka

Dawlada Soomaaliya Oo Baadhis Ku Bilowday Qaabkii Loo Xaday Imitixaankii Qaranka
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay baaritaan ku bilowdeen dadkii ka dambeeyay in banaanka uu yimaado
imtixaanaadkii dugsiyadda Sare ee dalka.
Arday badan oo ka careysnaa go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta banaanbaxyo ka dhigay magaalooyinka dalka,
iyaga oo cadeeyay inaysan suurto gal aheyn in dib loogu celiyo imtixaan ay galeen lix maado kamid ah.
Wasiirka Waxbarashada ayaa caruurtiisa waxay ku nool dalka dibadiisa, iyadoo aysan arkin dhibaatada ardayda
Soomaaliyeed ay wax ku bartaan, Waxayna helaan waxbarasho lacag la’aan ah, halka caruurta Soomaaliyeed ay lacagtooda
wax ku bartaan, ayna usii dheertahay xernaanshaha waddooyinka.
Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay in hay’adaha amaanka
dowladda Soomaaliya ay baaritaan u bilaabeen dadka lagu tuhmayo inay falkaasi ka dambeeyeen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: