Dawlada Masar Oo Heshiis Cusub La Gashay Somaliland, Dhaq-dhaqaaqyadii Ugu Dambeeyay Iyo Dareenada Ku Xeeran.

– Dowladda Masar ayaa ku howlan sidii ay xiriir cusub iyo heshiis diblumaasiyadeed ula saxiixan laheyd xukuumada Somaliland.

Xog ay heshay Karin News, ayaa tibaaxaysa in xubno ka socda dowladda Masar ay booqasho aan shaacsaneyn ay ku yimaaden caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaasi oo kulamo la qaatay madaxda ugu sareysay xukuumada Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi.

Masar ayaa xiligan fursad muhiim ah u aragta inay garabka saarto Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, wallow aysan beesha caalamka ka helin aqoonsi caalami ah.

Somaliland accuses Egypt of providing weapons to the Somalia ...

Go’aanka Masar ayaa imanaya ayada oo dowladda Soomaaliya ay kala safatay Itoobiya, oo ay kala dhaxeyso xiisadda biyo-xireenka webiga Nile. Somaliland iyo Masar ayaa la filayaa inay wakiilo is weydaarsadaan, sidii ay dhawaan isku weydaarsadeen Taiwan, kadib heshiis is-afgarad oo dhex-mari doona labada dhinac, taasi oo walaac xoogan ku abuureysa dowladda federaalka iyo Itoobiya, oo iyagu hal dhinac ah.

Itoobiya ayaa iyada laftigeedu xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan la’leh Somaliland, inkasta oo uu muddooyinkii dambe u muuqday mid hoos uga dhacay meeqaamkaasi, waxayna arrintan u horseedi doonta xiisad hor leh. Dowladda Masar ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay Saldhig millateri ka sameysato gudaha Somaliland, iyada oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn goobta ay ka sameysan doonto, taasi oo ay ka wada-hadleen madaxweyne Muuse Biixi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: