Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.

Dowladda Kenya ayaa u yeedhay safiirkeedii ka joogay magaalada Muqdisho, waxayna amartay safiirka Soomaaliya ee magaalada Nairobi inuu dalkeeda isaga baxo.


Amarkan ayaa goor dhoweyd kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya, sida shaacisay warbaahinta dalka Kenya, waxaana arrintan sabab looga dhigay in dowladda Soomaaliya ay ku xadgudubtay xududda Badda ee Kenya iyadoo tartan gelisay Bad ay leedahay dalka Kenya si shidaal looga baadho Soomaaliya.

Waa xaaladii ugu xumeyd ee diblomaasi oo soo dhex gasha dalalka Somalia iyo Kenya, iyadoo saacadaha soo socda la sugayo tallaabada ay qaado dowladda Somalia, waxayna Kenya ka mid tahay dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: