Dawlada Kenya Oo Diblomaasiyadeed Ka Furato Somaliland & Dhaq-dhaqaaqyadii Ugu Dambeeyay Oo Socda.

Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa iney xafiisyo diblomaasiyadeed ka furato Somaliland si ay ugu adeegto muwaadiniinteeda ka jooga dhulkaas, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskooda magaalada Hargeysa. Inkastoo aan la ogeyn wakhtiga rasmiga ah oo ay furayaan xafiisyada ay ugu adeegayaan muwaadiniintooda,

“Kenya waxey ku faraxsan tahay in Somaliland ay ku nool yahiin muwaadiniin badan oo Kenyaan ah kana shaqeystaan, waxaana ka shaqeyneynsaa inaan xafiis diblomaasi ka furno halkaas,” ayaa lagu yidhi warka qoraalka ah “Tani waxey sii ballaarineysaa xafiisyada labada waddan, waxeyna muwaadiniinta Kenya siineysaa in ay helaan adeegyada dowladooda” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Wafdi ka socda Kenya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay gaarayay Hargeysa iyadoo la filayo iney kuwa kalana halkaas gaaraan.





Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: