Dalka Marooko Oo Ka Baxay Xulafada Sucuudigu Hogaamiyo Ee Dagaaladda Ka Wada Dalka Yemen + Sababta.

Dalka Marooko ayaa ku dhawaaqay in uu ka baxay isbahaysiga Militariy ee uu hogaamiyo dalka Sucuudigu, kuwaas oo dagaalo ka wadan wadanka Yemen , sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dawlada Marooko oo u waramaayey wakaaladda wararka ee AP.

Sidoo kale dawlada Marooko waxa ay u yeedhay Safiirkeedii u fadhiyey wadankaasi Sucuudiga caasimadiisa Riyaad , iyada oo dhanka kalena diiday in ay ka qayb gasho shir ay isugu imanayeen GolahaWasiiradda Difaaca iyo Arrimaha Dibada ee dawladdaha xulafada ku ah dagaalka dalka Yemen .

Dawladda Marooko ayaa go’aankan ku sababaysay in ay doonayso in dadka dalkaasi Yemen ku dhibaataysan la gaadhsiiyo Gar gaar Bani’aadanimo , laguna soo afjaro colaada wadanka Yemen ka taagan hab wada hadal .

Ciidamada Cirka ee dalka Marooko ayaa diyaarad F-16 ah lagaga soo riday dagaalka Yemen sannadkii 2015-kii oo ahayd markii uu bilaabmay dagaalkaasi, taas oo cadho badan ka abuurta dalka Marooko , ilaa haddana lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa in ay dawladdasi joojiso xulafadii ay la ahayd dawladaha uu hormuudka u yahay Sucuudigu.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: