” Dalka Iyo Dawlada Waanu Ilaalinaynaa Ee Manihin Kuwii ” Madhax-dhaqameedka Beelaha Garxajis.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay salaadiinta Iyo  Cuqaasha beelaha Garxaajis

Madasha hadhimada ah oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, isla markaana ay ujeeddadeedu daaranayd sidii madaxweynaha iyo qoorweynta beeshani isku xog-waraysanayeen ayaa waxa ka soo qaybgalay ku dhawaad 200 (Laba boqol) oo ergay oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka qaar ka mida oo isugu jira 40 (Afartan) Chief Caaqil, 23 (Saddex iyo labaatan) suldaan, qaar kamid ah badhasaabada iyo maayarrada gobollada qaar ka mida iyo degmooyinka dalka, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo miisaan leh, iyadoo ay madaxweynaha si habsami leh isugu xog-waraysteen kulankaasi hadhimo sharafeedka ah.

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: