Dal Muslim Ah Oo Fasaxay Cabista Khamriga Iyo In Diinta Islaamka Laga Bixi Karo.

Sudan ayaa u ogolaan doonta dadka aan Muslimka ahayn inay cabi karaan khamriga, waxayna sidoo kale baabi’isay sharci dhigayey in la dilo qofka ka baxa diinta Islaamka. Is-bedelladan sharciyeed ayaa yimid sanad kadib markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii Islaamiga kali-taliska ahaa ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasoo iscasilay kadib dibadbaxyo xooggan.

“Sudan waxay hadda u ogoshahay dadka aan muslimka ahayn inay cabi karaan aalkolada, ayadoo shuruurdda ay tahay inaysan waxyeeleyn nabadda, sidoo kalena aysan ku cabin goobaha dadweynaha,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Nasredeen Abdulbari oo wareysi siiyey taleefishinka dowladda, Axaddii. Inkasta oo diinta Islaamka ay ka mamnuuceyso Muslimiinta inay khamriga cabaan, haddana Sudan oo dadkeeda badankood ay yihiin Muslimiin, ayaa waxaa ku nool dad aan Muslim ahayn oo dalka u dhashay.

Abdulbari, oo ka tirsan dowladda ku-meel gaarka ah ee dalkaas, ayaa sidoo kale ku dhowaaqay inaysan hadda kadib dambi ahayn in qofka uu ka baxo diinta Islaamka, oo uu qaato diin kale. “Cidna xaq uma lahan inay qof kale ama koox kale ku eedeyso inay gaalo yihiin…tani waxay halis ku tahay ammaanka iyo nabad-gelyada bulshada, waxayna hoggaamineysaa dilal aargoosi ah,” ayuu yiri.

Dowladda ku-meel gaarka ah ee Sudan ee beddeshay Al-Bashiir ayaa sameysay isbedello dhowr ah, waxaana dastuur saddex sano ah oo ay qaadatay uu ka tegay inuu diinta Islaamka ku qeexo tan ramsiga ah ee dalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: