Dablay Hubaysan Oo Askari Ka Tirsan Ciidamada Booliska Somaliland Ku Toogtay Magaalada Laascanood Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay.

Dablay Hubaysan Oo Askari Ka Tirsan Ciidamada Booliska Somaliland Ku Toogtay Magaalada Laascanood Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay.

 

Nin la sheegay inuu ku hubaysnaa bastoolad ayaa nin askari ah oo ka tirsan ciidamada booliska somaliland ku dhaawacay magaalada Laascaanood habeenkii xalay ahaa, kaas oo lagu daaweynayo isbitaalka, Ciidanka Booliska ayaa raadgoobay ninka falka geystey oo goobtaas ka baxsaday kadib markii ciidan halkaas ka dhawaa ay rasaas ku soo rideen sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Warbaahinta.

 

“Waxaan maqlay xabad dhacday xiligaas oo aan fadhiyey Hotel Rays hadaan kacnay aniga iyo dhawr kale waxaan maqalay rasaas, waan gabanay waxyar ka dibna waxaan aragnay ninka dhaawaca oo meel dhow yaala, mase cadayn karayn wixii kale ee dhacay iyo in aan arkaayey ciidan sii ordaya oo halkii la sheegay ninka wax diley inuu maray u sii socda” Maxamed Cabdi Cali ayaa sidaasi u sheegay somalilandmirror.com Saraakiisha ciidanka booliska oo aan la xidhiidhnay qaar ka mid ah 

waxa ay sheegeen in ay hawlgal ku jiraan, noomase sheegin in la qabtay, Askarigan la toogtey ayaa gaadh ka hayey mid ka mid ah hotelada badanaa madaxdu wax ka cunaan, waxaana ay tani kaga duwan tahay dhacdooyin badan oo noocan ah iyadoo isla goobtaas ay ciidan boolis ahi ku dhowaayeen.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: