Dab Ka Kacay Keyn Oo Kusii Dhawaanaya Xarunta Awoodda Nuclear-ka.

Dabka ka kacay keymaha ee maalmihii lasoo dhaafay ku xoogeysanayay waqooyiga dalka Unkraine ayaa hadda wax aan ka badneyn 5 kiiloo mitir u jira xarunta laga dhalin jitay tamarta ku shaqeysa awoodda nuclear-ka ee la dayacay ee Chernobyl, sida ay wararku sheegayaan Nin ka shaqeeya arrimaha dalxiiska, oo lagu magacaabo Yaroslav Emelianenko, ayaa sheegay in mid ka mid ah fiidaha dabka ay gaartay magaalada laga guuray ee Pripyat, taasoo u dhow xarunta lagu farsameyn jiray nuclearka.

Wuxuu sheegay in hadda uu holaca masaafe dhan 2km (1.24 mayl) u jiro goobta lagu keydin jiray qashinka halista ah ee haraadiga hubka sida ba’an wax u gumaada Hay’adda arrimaha noocan ah u kuur gasha ee Greenpeace ayaa sheegtay in dabku uu aad uga baaxad weyn yahay sida ay dowladdu u maleyneysay Laanta ay hay’addan ku leedahay dalka Ruushka, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dabka ugu weyn uu qabsaday dhul dhan 34,000 oo hiktar, halka dabka labaad ee dhowrka kiiloo mitir u jira xarunta horay loogu sameyn jiray nuclear-ka uu isaguna qabsaday dhul baaxaddiisu dhan tahay 12,000 oo hiktar.

Mr Emelianenko ayaa sidoo kale sheegay in haddii uu dabku baabi’iyo magaalada Pripyat uu sababi doono musiibo dhinaca dhaqaalaha ah, maadaama goobtaas ay ahayd meel si aad ah usoo jiidata dalxiiseyaasha, dakhli badanna uu kasoo xaroon jiray Sanadkii 2018-kii dad ka badan 70,000 oo qof ayaa booqday magaaladaas. Sanadkii lasoo dhaafayna tiradu intaas way kasii badneyd, maadaama uu hirgalay filim ay shirkadda HBO ka sameysay musiibada.

Dabku wuxuu ka dhacay meel u dhow warshadda hubka

Officials say radiation in the area is at "normal" levels

Booliska ayaa sheegay in dabkan uu hurayay ilaa 4-tii bishan April, kaddib markii uu nin dab qabadsiiyay cows u dhawaa gurigiisa. Xilligaas wixii ka dambeeyayna wuxuu kusii dhawaanayay goobta lagu sameyn jiray hubka halista badan In ka badan 300 oo dab damis oo qalabeysan ayaa lagu soo warramay inay aaggaas ka howl galayaan, halka ilaa 6 diyaaradood oo ay ka mid yihiin kuwa qumaatiga u kaca ay isku dayayaan inay dabka xagga sare ka damiyaan.

Kateryna Pavlova, oo ah sii haya xilka madaxa waaxda dowladda u qaabilsan deegaannadaas ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegtay in hadda “aysan oran karin dabkaas waa la xakameeyay” “Habeen dhan ayaan shaqeyneynay annagoo goobta warshadaha hubka ku yaallaan agagaarkeeda ka qodeyna godad aad dabka ku hakineyno, si uusan halkaas u gaarin,” ayey tiri.

The fire is now 5km from the site

5-tii bishan April, Yegor Firsov, oo ah ku simaha madaxa waaxda kormeerka goobaha hubka ee Ukraine, ayaa Facebook-giisa ku sheegay in heerarka shucaaca hubka ee aaggaas ay sare uga kaceen sidii caadiga ahayd Balse saraakiil u hadashay dowladda ayaa markii dambe beeniyay arrintaas, waxayna sheegeen in deegaankaas “ay xaaladdiisu tahay mid caadi ah”.

Mr Firsov ayaa sidoo kale ka noqday hadalkiisii uu shaaciyay Qiiqa dabkaas ka baxaya ayaa hadda kusii socda dhinaca magaalada caasimadda ah ee Kyiv Xarunta nuclear-ka lagu farsameyn jiray ee Chernobyl iyo magaalada u dhow ee Pripyat ayaa laga guuray sanadkii 1986-kii, markaasoo ay qaraxday mid ka mid ah warshadaha.

Shucaaca waxyeellada ah ee qaraxaas ka dhashay ayaa gaaray inta badan qaaradda Yurub, goobtaasna waxaa lagu qeexay meesha ay gaartay khatartii ugu badneyd ee ka dhalatay qaraxa Dadka ayey mamnuuc ka tahay inay warshadahaas uga dhawaadaan wax ka yar 30 kiiloo mitir. Chernobyl ayaa sii wadday dhalinta quwadda tamarta ee ku shaqeysa awoodda nuclear-ka ilaa warshaddii ugu dambeysay laga xiray sanadkii 2000.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: