Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Itoobiya Oo Ka Baxay Soomaaliya + Sawiro.

Qaar ka mid ah ciidamada milatariga dalka Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ayaa isaga baxa gudaha dalka, kadib markii ay dhameysteen muddo howleedkooda Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ciidamada dib ugu laabtay dalka Itoobiya ayaa munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey gobolka Liibaan ee dowlad deegaanka Soomaalida, iyadoona lagu xareeyey xero ciidan oo ay wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya ay ku leedahay halkaasi Sidoo kale guutadaan ka baxday Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabaa Qilfat, waxaana ay ka howlgaleysay gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa safar dhulka ah uga baxay Koonfur Galbeed, iyaga oo ku gaaray gaaray dalka Itoobiya, gaar ahaan xeryaha loogu talagalay. Itoobiyaha ayaa qeyb ka ah dalalka ay ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada gobollada Gedo, Hiiraan, Baay iyo Bakool.

Sanad kasta ayaa waxaa badal lagu sameeyaa askarta Midowga Afrika ee xiran koofida cagaaran ee muujineysa in ay u diiwaangashan yihiin howl-galka AMISOM Soomaaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: