Cumar Al-Bashiir Oo Loo Dhiibayo Maxkamadda Caalamiga Ah ICC

Millateriga xukuma waddanka Suudaan ayaa go’aansaday in madaxweynihii hore Cumar Xasan Al-Bashiir, loo dhiibo Garsoorayaasha maxkamadda Caalamiga ah ICC ee fadhigeedu yahay Heeg.

Al-Bashiir, ayaa waajihaya dacwad la xidhiidha in uu geystay denbiyo Dagaal intii uu xukunka hayay gaar ahaana gobolka Daarfuur sannadkii 2003.

Sannadkii 1989 ayuu xukun millateri kula wareegay talada Suudaan.

Al-Bashiir, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ciidamada millateriga Suudaan ay xukunka ka tuureen bishii Abril 2019.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: