Coronavirus Oo Sababay In Dunida Ay Ku Faafto Dawo Been Abuur ah

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay tirada dawooyinka been abuurka ahi ee lala xiriirinayo cudurka Covid-19 ee dunida ku sii baahayo Baaritaan ay BBC-du sameysay ayaa muujinaya in dawooyin badan oo been abuur ah lagu iibiyo waddamada qaaradda Afrika, iyadoo arrintaa looga faa’iideysanayo baahida ka jirta suuqyada caalamka, gaar ahaanna xilligan oo cudurka Coronavirus uu dinda aafeeyay.

WHO ayaa sheegtay in isticmaalka dawooyinkani ay ka dhalan karto “xaalad caafimaad oo halis ah. Mid ka mid ah khubarada caafimaadka ayaa sheegaya in dayoowinkani been abuurka ahi ay keeni karaan xaalad caafimaad-darro oo barbar socota halista cudurkani Coronavirus.

dawo

Guud ahaan caalamka oo dhan, dadku waxay keydsanayaan dawooyinka muhiimka ah. Haseyeeshee, maadaama labada waddan ee inta badan soo saara dawooyinka caalamka ee kala ah Shiinaha iyo India ay haatan xayiraad saaran tahay, waxaa cirka isku sii shareeraya baahida loo qabo dawooyinkan, waxaana arrintaa ka faa’iideysanaya dawooyin been abuurka ahi oo dunida ku sii faafaya.

Isla usbuucii ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ku dhawaaqday in cudurkani uu yahay safmar ayaa waaxda booliska caalamka ee Interpol u qaabilsan dambiyada la xiriira dawooyinka waxay xabsiga dhigtay 121 qof oo ku kala sugan 90 waddan, waxaana gacanta lagu soo dhigay dawooyin been abuur ah oo lagu qiimeeyay in ka badan 14 milyan oo doolar.

Laga soo billaabo dalka Malaysia ilaa laga yimaado waddanka Mozambique, booliska waddamada caalamku waxay gacanta ku dhigeenkumannaan maryaha afka lagu duubto ah, kuwaasi oo la sheegay in ay wax weyn ka tarayaan cudurka Coronavirus.

Mask

“ka ganacsigan sharcidarroda ahi ee sida kuwa been abuurka ahi xilliyada ay jiraan dhibaatooyinka caafimaad ayaa muujinaya in aan marnaba dan laga lahayn nolasha dadka,” ayuu yiri Jurgen Stock oo ah xoghayaha guud ee booliska caalamka ee Interpol.

Qiimaha dawooyinka dunida ayaa lagu sheegaa in kabadan hal tiriliyoon oo doolar, waxaana inta badan lagu soo farsameeyaa waddamada Shiinaha iyo India, halka lagu baceeyo waddamda Yurub, Koonfurta Ameerika iyo Aasiya, ka dibna waxaa loo sii kal gudbiyaa shirkado ganacsi oo ku sugan daafaha dunida.

Qaar ka mid ah shirkadaha sameeya dawooyinka ee dalka India ayaa BBC-da u sheegay in hadda ay sameeyaan 50-60% dawooyinkii ay horey u sameyn jireen. 20% dawooyinka Afrika laga isticmaalo waxaa sameeya shirkado laga leeyahay dalka India, haseyeeshee waddamada qaaradda Afrika ayaa siyaabo kala geddisan waxaa haatan u saameeyay cudurka Coronavirus.

Shirkadaha sameeya dawooyinka ayaa sidoo kale dhibaato kala kulmaya qiimaha sii sara-kacaya ee waxyaabaha laga sameeyo dawooyinka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: